U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Odayaasha Dhaqanka Waxaa La’idiin Ka Doonaya Dhameystirka Maamulka”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha ayaa madaxda iyo qeybaha bulshada ee Maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya kula dardaarmey dhameystirka iyo baahinta xukunka ee maamulka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey madaxda, odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee Maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya inay ka shaqeeyaan dardar-gelinta sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha baarlamanka iyo baahinta xukunka.

Madaxweynaha oo booqasho maalin ah ku tegey maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa hadalkaasi jeediyay mar uu kulan la qaatey qeybahaasi kala duwan.

“Maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed iyo odayaasha dhaqanka waxay qabteen hawl wanaagsan, laakiin waxaad ogaataan in waqtiga aan haysano uu aad u yar yahay, la idinkana doonayo inaad dhameystirtaan dhismaha baarlamanka , kadibna loo gudbo in degmooyinka iyo tuulooyinka iyaguna fursad loo siiyo inay soo doortaan xubnihii madaxda ama wakiilada u noqon lahaa’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kale oo uu khudbaddiisa ku xusey in Dowladda Federaalka iyo maamullada ka jira dalka, ay wadajir uga shaqeynayaan qaabka ugu habboon ee loo dejinayo qorshaha siyaasadda iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ku ammaaney dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska dalka iyo dhameystirka hanaanka dowladnimada, waxaana uu intaa ku darey in doorka odayaasha uu sii jiri doono tan iyo inta dalka looga dhaqangelinayo nidaam dimoqraadiyadeed oo dhameystiran oo qof walba uu xaq u yeesho inuu codkiisa dhiibto.

Goobjoog News