U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Maanta Dalku waxaa uu Taagan yahay in Tooratoorow loo Xukun Tago

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlayey madasha Talo-wadaag ee ka baxay Goobjoog TV ayaa sheegay in maanta ay heerka cadaaladda ka liidato xilligii 2016-kii isaga oo tusaale u soo qaaday in loo xukun tago xarakada Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan oo arrinkan ka hadlayey ayaa yiri “ Laakin Tooratoorow looma cadaalad tagi jirin, dadku maxkamadaha ayey tagi jireen, tabarta ha iska jirto, waa la iiga gar daran yahay, inta la iiga dhacay mar weliba waa jirtay, laakin inta saraakiisha dowladda iyo siyaasiyiinta iyo ganacsatada inta caasiyo la iska daba qaato, Tooratoorow waxay aheyd meel dhib badan oo Shabaab laga raacdeeyo, laakin Shabaab meel ay dageen, inta nastaan, maxkamado ka dhigtaan inta dadka ugu yeertaan, ku xukmaan, maya ma ahaan jirin, maanta dalku waxaa uu taagan yahay in Tooratoorow loo xukun tago, cadaaladdii 2016-kii jirtay iyo midda maantana midda rasmiga ah ee lagu cabiri kari taas waaye.

Mudane Xasan Sheekh, waxaa uu hadda ku jiraa 12 murashax madaxweyne oo shir maalintii 2aad ku leh Muqdisho si wax looga dhaho xaaladda dalka.

Goobjoog News