U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Amaan u Jeediyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Xabsiga Dhexe ee Muqdisho uu ka muuqdo gudashada waajibaadka saxda ah ee loo igmadey ee ah dhaqan-celinta bulshada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo uu maanta booqday, halkaas oo uu ku kormeeray qaybo ka mid ah xabsiga iyo adeegyada kala duwan ee ka socda.

“Is-xilqaan iyo in la isku tashado ayay ka dhalatey bilicsamida ka muuqata Xabsiga Dhexe. Waxaan halkan ka baraneynaa cashar ah in ummad walba ay iskeed wax u qabsan karto, haddii ay talo iyo waxqabad la yimaadaan. Waxaana hubaal ah in nidaamkan iskaa wax u qabso uu noqon karo mid gacan ka geysta dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in adeegyada ka jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay yihiin kuwo dhiirigelinaya in si hufan loo guto waajibaadka loo abuuray xabsiga ee ah dhaqan toosinta, dhaqan-celinta bulshada iyo in ciqaabta ay mudnaayeen lagu mariyo kuwa sharciga jebiya ee dembi ay ku caddaato.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ku ammaaney Taliska Ciidanka Asluubta, dadaalka dheeriga ah ee uu muujiyay ee uu dib ugu hawlgeliyey qaar ka mid ah warshadihii uu lahaa, dib u soo nooleynta xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

“Maadaama dib loo hawlgeliyay hawlihii kala duwanaa ee Taliska Ciidanka Asluubta sida sameynta qalabka guryaha iyo xafiisyada la dhigto, tolidda dharka kala duwan ee dugsiyada iyo ciidammada, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiirigeliyo wax soo saarka dalka. Waxaan farayaa hay’adaha kala duwan ee dowladda gaar ahaan Golaha Wasiirada iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso inay soo saaraan xeer faraya in xafiisyada dowladda iyo dugsiyada ay dharka iyo qalabka xafiisyada iyo guryaha ka iibsadaan Taliska Ciidanka Asluubta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tallaabadaasi ay horseedi karto shaqo abuur iyo in la dhiirigeliyo wax soo saarka gudaha.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ammaan u jeediyay Wasaaradda Cadaaladda iyo Taliska Ciidanka Asluubta dadaalka ay ugu jiraan dib u habeynta hawlaha garsoorka iyo dhaqan-celinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la dardaarmey maxaabiis gaareysa 93 oo cafis loo fidiyey, isagoo ku boorriyay inay ka shaqeeyaan wanaagga iyo dib u dhiska waddanka.
——————————DHAMMAAD———————-——-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada