U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Amray In Lala Shaqeeyo Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay xaflad lagu dhaariyay maanta  Ibraahim Iidle Suleymaan guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ayaa ku amray hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan hogaanka cusub ee Maxkamadda sare.

Qeybaha Wasaaradda Cadaaladda, xeer ilaalinta, iyo dhamaan hey’adaha kale ayuu sheegay Xasan Sheekh in ay la shaqeeyaan Dr Ibraahim Iidle Suleymaan.

Madaxweynaha waxaa uu xilka ka qaaday Ceydiid Ilka Xanaf oo jagada guddoomiyaha Maxkamadda sare hayey ilaa 2011-kii.

Akhri Taariikhda Guddoomiyaha Cusub