U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Booqday Wasaaradda Gaashaandhigga

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo xoogaga Al -Shabaab oo ka taliya gobollo iyo deegaanno dhowr ah.
Madaxweynaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbixinno ka dhageystay hoggaannada Ciidamada Xoogga Dalka.
Madaxweynaha ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wadaagay ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.
May be an image of 6 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 12 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people sitting and people standing
May be an image of 6 people, people standing, military uniform and indoor
May be an image of 5 people, people sitting and people standing
Goobjoog News