U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda aan saaxibka nahay ee Masar ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho, kadib safar maalmo qaatay uu ku tagay magaalada Qaahira dalka Masar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi isaga oo la soo qaaday xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal.
Madaxweyne Xasan ayaa waxaa safarkii Masar waxaa uga horeeyay safarro uu ku tagay dalalka Djibouti, Kenya iyo Tanzania, halkaas uu kaga soo qeyb galay shirka dalalka ku bidaysan bulshada Bariga Afrika, waxaana safarkiisa Qaahira uu kusoo aadi xilli xurguf dhex taallo dowladaha Masar iyo Itoobiya oo ku aadan biyo xireenka wabiga Nail .
Goobjoog News