U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Dhagax Dhigay Wado Laami ah oo Isku Xirta Kismaayo iyo Afmadoow

Sheeko:War
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safar shaqo oo uu ku joogo dowlad-goboleedka Jubaland ayaa maanta booqday deegaanka Malleeyleey oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.
Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladaha nololeed ee bulshada deegaanka isaga oo halkaasi ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay wafdigiisa, madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimadda ay leedahay in deegaannada Jubbaland laga saaro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Af-madoow ee gobolka Jubada hoose taasi oo masaafo ahaan dhan 120 Kiilo mitir.
Madaxweynaha ayaa ka dalbaday ganacsatada, qurbajoogta iyo guud ahaan bulshada ree Jubaland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaan oo kaalin mug leh ka qaadandoonta fududeynta isku socodka ganacsiga iyo dadweynaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dowlad-goboleedka Jubaland.
Goobjoog News