U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Diray Baaqyo Amniga iyo Abaaraha Ku Qotomay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadalay shacabka caasimadda ayaa waxaa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si xal waara loogu helo amni darrida Muqdisho iyo wax ka qabashada Ciyaal Weerada oo dhibaato badan ku haayo shacabka oo ay u geystaan dil iyo dhac mararka qaarkood ka dhaca.

“Dadka caasimadda waxaan rabaa inaan dhaho laba waxyaabood iskuma heli karno walaalayaaloow, in ciidanka amniga aan ku eedeyno wax maqabto iyo marka mid sidaas sameeyay dariiqa taagnaay lasoo qabtay aan soo daba kacno, oo odaygii nabaddoonka ahaa uu soo daba kaco oo xildhibaankii uu soo daba kaco, oo hooyadii iyo aabihii ay soo dabakacaan, iyagoo ku dacwoonayo wiil fiican ayuu ahaa, wixii ay rabaan oo lagu nasahaayo ama dambiga looga qaadaayo wiilka in la sheego”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay shacabku ku tukadaya masjidu Shuhadaa ee Madaxtooyada Qaranka ayaa dadka wuxuu Soomaaliyeed ku boorriyey in ay u gurmadaan bulshada  la dhibaateysan abaaraha ee gobollada dalka, waxaana uu ugu baaqay in shacabka kuwooda wax Alle siiyay in ay ka qeyb qaataan sidii looga samatabixin lahaa abaarta.

“Waxaan markale shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan aan ka codsanayaa ugu baaqayaa inaan ku noqono jeebab keena, guryaheenna iyo  waxaan heysanno, si aan naf u badbaadino, waa tii ay aheyd qofkii nolol  badbaadiyo waxaa ay la mid tahay isaga oo dalka dhan badbaadiyay,  qofkii qof dila uu lamid yahay isagaa dadka dhan dilay” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dalka ay ka jirto abaar baahsan, taas oo dadka iyo duunyada aad u saamaysay, waxaana dadka reer guuraaga ay yihiin kuwa ugu daran, maadaama ay dhaafeen xoolihii ay dhaqan jireen ay ku noolaayeen, waxaana laga qabsi qabaa in abaarta jirta ay isku rogto macluul daran oo ka dilaacda dalka Soomaaliya.

Goobjoog News