U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ergay u Magacaabay Dalladda Bariga Afrika EAC

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar u magacaabay Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada dalka oo lagu daabay Barta Twitter-ka.

“Madaxweynaha ayaa u magacaabay Dr. Cabdisalaan Hadliyeh Cumar, Ergayga gaarka ah ee madaxweynah ururka Bulshada Bariga Afrika, (EAC), Cabdisalaan ayaa Soomaaliya kasoo noqday wasiirkii hore arrimaha dibadda, guddoomiyihii hore ee Bank dhexe iyo xilal kale” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud oo shirka ururka kaga qeyb galay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursado badan uga bannaan tahay, waxaana uu ka dalbaday dalalka ku jira in ay Soomaaliya ka gacansiiyaan sidii ay ugu biiri laheyd.

Ururkaan ayaa waxaa ku jira 7 wadan oo ku yalla Bariga Afrika, waxaana dhowaan la filayaa in Soomaaliya ay noqoto dalka 8-aad ee qeybta ka noqda, Tanzania, Kenya, Uganda, Burundi, Ruwanda South Sudan iyo Congo, waa wadamada ku jira dalladda bulshada bariga Afrika.

Goobjoog News