U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Gaaray Baydhabo iyo Ujeedka Safarkiisa

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Guduud soo dhoweyn diirran ugu sameeyey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin ka kala socday Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxaana la xasuustaa inuu Baarlamaanka hortiisa ka ballan qaaday inuu dhisayo Soomaali Heshiis ah Adduunkana heshiis la’ ah.
“Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay safarkiisa.
Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.
“Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
Goobjoog News