U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Hambalyeeyay Xuska 27 June

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeey dowladda iyo shacabka Jabuti xuska 45-sano guuradii ka soo wareegatay maalintii xurnimada ay ka qaateen gumaystihii Faransiiska.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ugu hambalyeeynayo munaasibadda maalinta xuriyadda Jabuti, shacabka iyo dowladda.

“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.
Akhriso Qoraalka Villa Somalia oo dhamaystiran 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u diray walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.
“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah.
Goobjoog News