U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Hambalyo u Direy Jubbaland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo wuxuu u direy maamulka Jubbaland, shacabka iyo waxgaradka maamulkaasi.

Waxa uu madaxweyne Xasan ugu hambalyeey sida ay kusoo dhameystireen doorashada xubnaha aqalka hoose oo Khamiistii lagu soo gebogebeeyey magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in taasi ay muujineyso guusha laga gaarayo howlaha doorashooyinka, isaga oo ku bogaadiyey shacabka iyo maamulka Jubbaland dedaalkaasi ay sameeyeen.

“In si buuxda loo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka dhacay Kismaayo, waa guul weyn oo yididiillo gelineyso geedi socodka doorashooyinka dadban ee dalka ka socoda, waxaan ammaan iyo boggaadin u jeedinayaa shacabka, Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedka Jubbaland iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashooyina Dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo umadda Soomaaliyeed gaarsiiyey guusha ah in si hufnaan ah u qabsoomaan doorashoyinkaas. ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Khamiistii, maamulka Jubbaland ayaa dhameystiray doorashada xubnaha aqalka hoose, waxaana la doortey 43 xildhibaan oo kusoo aaddey beelaha degga Jubbaland.

Goobjoog News