U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Ka Qeybgalay Salaaddii Jannaasada Ee Burci Xamza (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku shahiiday weerarkii waxashnimada ahaa ee argagixisada ku qaadeen mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kadib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka.

Waxaa sidoo kale tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Burci Maxamed Xamza ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

Aas5 Aas4 Aas3 Aas2 Aas1

——————–DHAMMAAD–———–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya