U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo ka Qeybgaley Furitaanka Shir Madaxeedka Amniga Afrika

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa).

Shirkan ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah waxqabadkii shantii sanno ee la soo dhaafey, xaaladda nabadgelyada iyo amniga ee Africa, doorka qaaradda ee amniga caalamka, iyo fikrado is-dhaafsi la xiriira tayeynta amniga iyo xalinta xasaradaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madashan ay gogol xaar wanaagsan u tahay qaaradda Afrika inay mashaakilaadkeeda xal u hesho, kana wada shaqeyso la dagaalanka xagjirnimada, kala qoqobka shucuubta Afrika iyo in diiradda la saaro horumarka iyo iskaashiga caalamka intiisa kale.
Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika,
laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale.

Guddoomiyaha Madasha Sare ee Amniga Afrika, Olusegun A. Obasanjo oo ah Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, oo furitaanka kulanka ka hadley ayaa sheegay in Afrika aan looga maarmin inay door muuqda ku yeelato go’aaminta arrimaha amniga caalamka, maadaama ay leedahay muhimad dhaqaale, siyaasad iyo amni intaba.

Shirkan labada maalmood soconayaa ayaa dadka ka hadli doona waxaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha Africa, Xoghayihii hore ee Guud ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan iyo diblomaasiyiin kale.

————-DHAMMAAD———

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya