U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii Degmada Marka

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Degmada Marka Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Marka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada muwaadiniinta kale ee ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, waxaan sheegay in falkan ay ka dambeeyeen Al-shabaab, guddoomiyaha ayaa waxaa sidoo kale la geeriyooday 11 ruux oo kale iyo tiro dhaawavyo ah.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dagaal dhab ah lala galo ururrada Al-shabaab, kuwaas oo dagaal kula jira ciidanka dowladda federalka iyo kuwa nabad ilaalimta midowga afrika ee ATIMS oo taageero siiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Goobjoog News