U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Isbedelka Cimilada Ee Djibouti

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta iyo nabaad guurka deegaanka ku yimaadam kaas oo la rumaysan yahay inuu sababayo abaaraha iyo Roob yarida.
Madaxweynaha oo dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa, taas oo saameysa dadka iyo duunyada.
“Soomaaliya, waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada, inagoo dhawaan daah furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.” ayuu yiri xilli uu hadlaayay.
Shirka oo ay ka qeyb galeen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wadamada gobolka, qaar kood ay wajahayaan abaaro baahsan oo soo laabta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray, xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti, taas oo labada dal muhiimad gaar ah u leh sida la tilmaamay.
Goobjoog News