U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Kormeeray Dhismaha Safaaraddii Hore Soomaaliya Ee Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay dhulkii safaaraddii hore Soomaaliya ee deegaanka Westland magaalada Nairobi, waxaana booqashiisa ku wehlinayey wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Cumar Hadliye, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Safaaraddii hore ee Soomaaliya oo dayactir uu ka socdo haatan ayaa markii madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa tageen halkaasi ayaa Danjire Jamaal waxa uu kusoo wareejiayey qeybaha kala duwan ay ka kooban tahay safaaraddii hore.

Intaasi kadib madaxweyne Xasan oo la hadlayey warbaahinta ayaa u mahadceliyey cid walbo oo ka qeybqaadatay soo celinta dhulka safaaraddii hore ee Soomaaliya isaga oo ka hadlay muhiimadda ay dadka Soomaaliyeed u leedahay safaaraddaasi.

“Waxay noqon doontaa mid kamid ah safaaradaha Soomaaliya ay leedahay kuwa ugu waaweyn ee caalamka ku yaalla iyo safaaradaha Nairobi ku yaalla Ajnabiga ah kuwooda ugu waaweyn ayeey ka mid tahay saafaraddan dhul ahaan iyo dhismo ahaan, waxaan rabaa in halkaan magacayga iyo magaca dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ka qeybqaatay sanadihii dheeraa ee dacwadda ay socotay oo ku saabsan sidii dhulkaan loo soo celin lahaa iyo hadane inatii isku tagtay dhaqaale isku dartay kana shaqeysay in dib loo soo celiyo, looyaradii Soomaalida ahaa ee reer Kenya iyo kuwa Reer Kenya qudhooda, sanado badanna u dacwoonayey dhulkaan waan u mahadcelinaynaa, dadka Soomaaliyeedna abaal bay idiin hayaan, dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay ku noolyihiin ha ogaadaan in wixii dowladda ama umadda Soomaaliyeed lahayd ee lumay in la daba socdo maalinba mid baa lasoo celinayaan, kuwo kale oo caalamka ku yaalla oo la qaatay ama si qaab daran loo deganaa oo Yurub iyo meel walbo ku yaallay ayeey dowladda soo celisay, kuwo kale maxkamado ayeey hadda taagan yihiin oo dacwadooda ayaa socota, marka hantida umadda Soomaaliyeed lahayd ee caalamka ku firirsan waa lasoo celin doonaa, haddi uu Alle idmo, waa hanti ma guurto ah oo aan dhumeyn” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa booqasho qaadatay Afar maalin waxa uu ku joogay dalka Kenya isaga oo ugu dambeyn dalka usoo amba baxay.

Goobjoog News