U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Ku Ammaaney K/galbeed Dhameystirka Doorashada Aqalka Hoose

Sheeko:Dalka

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed oo soo dhameeystiray 69-ka da xildhibaan ee doorashooyinka Golaha Shacabka ee lagu dootay Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay Baydhabo ay u qabsoomeen si xasilooni iyo dimuqraadiyad ku dheehan tahay .

Madaxweynaha ayaa ammaan iyo mahad-celin u jeedinaya Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashooyina Dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo guulo ka gaaray doorashooyinka loo qondeeyey ee Golaha Shacabka islamarkana noqday Dowlad Gobolleedkii Labaad ee dhameystira doorashooyinka Golaha Shacabka.

Madaweynaha, wuxuu ugu baaqayaa Guddiyada Dorashooyinka Dadban iyo Dowlad Gobolleedyada harsan in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka iyada oo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

— Dhammaad–