U bood dhigaalka

Caasimadda Maamulka Loo Sameynayo Sh/dhexe Iyo Hiiraan Oo Lagu Dhawaaqay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto ku magacaabay caasimadda maamulka loo sameynayo Shabellaha Dhexe Iyo Hiiraan, sidoo kalena sheegay halka maamulkaasi caasimadda u noqoneyso.

Wareegtada ayaa lagu sheegay markii madaxweynaha arrintaasi wadatashiyo badan ka sameeyay in shirka lagu qaban doono Magaalada Jowhar, caasimaddana ay noqon doonto degmada Buuloburde.

Dhinaca kale warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in maalinta berri ah la filayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu u amba baxo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Hoos ka akhriso wareegtada

XEER MADAXWEYNE LR. 86 TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS CAASIMAD GOBALEEDKA MAAMULKA KMG AH EE HIIRAAN IYO SHABBEELLADA DHEXE

MADAXWAYNAHA J.F.S

Markuu Arkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee
Dastuurka J.F.S.

Markuu Arkay : SharciLr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballadadalka

Markuu Tixgaliyey :Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo Ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Markuu Garwaaqsaday: in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo Xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxauu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015 in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.

Qodobka 2aad

Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo ShabeelladaDhexe.

Qodobka 3aad

Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.

Qodobka 4aad

Waxa uu Xeerkaan dhaqan gelayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud