U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Kulan La Qaatay Laftagareen iyo Dhaqanka Koonfur Galbeed

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo safar ku jooga magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ahaa mid is-xogwareysi ah ayaa waxaa inta badan looga hadlay xaalada guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana dhaqanka kulanka ka qeyb galay madaxweynaha ay kaga mahadceliyeen safarka uu kusoo gaaray magaalada iyo Koonfur Galbeed uu ka bilaabay safarkiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa horay u sheegay in safarkiisa Baydhabo uu ku qotomo arrimaha dib u heshiisiinta dalka uu horay kaga balanqaaday Baarlamaanka hortiisa inuu samaynayo dib u heshiisiin dhab ah, waxaana madaxweynaha sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo bulshada qeybaheeda.

Goobjoog News