U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Kulan Soo Dhoweyn ah u Sameeyay Wasiirrada Cusub

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.”ayuu yiri madaxweyne oo la hadlayay golaha wasiirrada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
May be an image of 1 person and indoor
May be an image of 1 person
May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people standing, suit and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor
May be an image of 17 people, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people standing, suit and indoorMay be an image of 2 people, people standing, suit, wrist watch and indoorMay be an image of 3 people, people standing and suitMay be an image of 3 people, people standing and indoorMay be an image of 5 people and people standingMay be an image of 7 people and people standingMay be an image of 5 people and people standingGoobjoog News