U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Danjireyaasha Soomaaliya U Fadhiyo Dalalka Caalamka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah danjirayayaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, ayaa waxaa madaxweynaha uu ku booriyay in ay si hufan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka kale ee ay danjirayayaasha u yihiin.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.
Goobjoog News