U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo La Kulmay James Swan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabisan  Soomaaliya Ambassador James Swan, iyaga oo kawada haday arrimo dhowr ah  oo ku aadan marxalada kala guurka ah ee dalka.

James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa madaxweynaha la doortay.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso dowladda federalka Soomaaliya dadkeeda, tii ay jirto in dhowaan Soomaaliya ay yeelatay madaxweyne cusub, kaas oo hoggaamin doona dalka afarta sano ee soo socota.

Goobjoog News