U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo La Kulmay Madaxweynaha Jubbaland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa dardar galinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee xiligan u baahan yihiin.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa maalmahan waday kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo Madaxda dowlad goboleedyada iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Soomaaliya jooga, kuwaasi oo Madaxweynaha ugu imaanayay Salaan iyo Hambalyo.

Goobjoog News