U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo La Kulmay Safiirka Qatar

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem., iga oo kawada hadalay arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dowladood.

Safiirka ayaa madaxweynaha u gudbiyay dhambaal salaan iyo hambalyo ah , waxaana uu sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in si buuxda ula shaqeyso madaxweynaha cusub ee la doortay 15-kii bishaan, dowladda Qatar ayaa sanadihii dambe la aheyd dowladdii Farmaajo la laheyd xiriir fiican.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirka Hanbalyada, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo xiriirka labada dal ka dhaxaysa. Madaxweyne Xasan ayaa markale ku guulaystay hoggaaminta Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo horay usoo maamulay 2012- 2017-ka.

Madaxweynaha cusub ee 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa uu muqdisho kulamo kala duwan, kuwaas oo ku aadan marxaladda dalka uu ku jiro, waxaana dalka soo gaaraya wufuud kala duwan oo hambalyo iyo bogaadin u sida madaxweynaha.

Goobjoog News