U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo La Kulmay Safiirka Sucuudiga

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad, iyaga oo kawada hadalay arrimo dhowr ah oo la xiriirka labada dal oo muddooyinkii dambe aan fiicneyn.

Kulanka maanta dhacay ayaa si gaar ah ugu qotomay hambalyo iyo salaan safiirka uu u siday madaxweynaha 10-aad Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo dib loo doortay 15-kii bisha, waxaana Almuwallad uu sheegay in dowladdiisa wadashqeyn la yeelan doonto madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynihii 9-aad Farmaajo ayaa xiriir wanaagsan aan la yeelan dowladda Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta  waxaana afartii sano hoggaanka hayay istaagay xiriirkii iyo wadashaqeyntii labada dal ay la lahaayeen Soomaaliya , waxaana badalkeeda uu xiriir la sameysay daladda Qatar oo caawin jirtay.

Goobjoog News