U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula qaatay ergada suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka kala timid gobollada dalka isalmarkaana ka qeyb gashay shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo hoggaanka cusub ee NUSOJ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa ugu hambleeyey saxaaafadda Soomaaliyeed sida dimuquraadiyada leh ee ay u doorteen hoggaanka cusub. Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadii NUSOJ ee Muqdisho lagu qabtay cashar u ahayd in Soomaaliya dhan walba ka soo kabaneyso.

“Waxaan rabaa inaan idin ku hambalyeeyo doorashadii quruxda baneyd ee aad isku doorateen ee Muqdisho ka dhacday 17 May 2016, waxa ay ka mid tahay biseeylka Soomaaliya ay gaareyso oo ay meel walba kaga soo kabaneyso, cashar ayaa dhigateen waana idin ku amaanayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey guddiga Badbaadada Saxaafadda ee u soo dhabar adeegay inay mideeyaan saxaafadda Soomaaliyeed oo ay si guul ah ay ku soo dhamaadaan shirweynahii Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo doorashooyinkii hoggaanka cusub ee NUSOJ.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabay codsi Suxufiyiinta ay u soo jeediyeen oo ahaa in gar-gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah madaxweynaha uu u qaado Wariye Cabdirisaaq jaamac (Black) oo mar sii horreysay ay dhaawac daran u geysteen dhagar-qabayaasha Al Shabaab ayaa yiri” Cabdirisaaq Black arintiisa aad iyo aad ayey u xaanuun badan tahay , dhowr mar ayuu qaliin galay waan la socdaa xaaladiisa. Abdirisaaq Black waa la daaweynayaa, daaweyntiisa aniga ayaa ballan qaadaya, meeshii inoogu fudud una dhaqso badan ayaan caafimaad ugu qaadeynaa Alllaah ayaana kaga baryayaa inuu cafimaad deg deg ah siiyo “

Marnaba raali kama nihi, waana ina xanuunjineysaa in wariyayaasha la handado, la cabsi geliyo, la waxyeeleeyo ama la dilo, Dowladda waad ogtihiin in intii awoodeeda ah ay ka ilaaliso cadowga dilaya, dilayaasha wariyayaashuna qaarkood ay soo qabtay sharcigana marsiisay kuwa kalana waa la soo qaban doonaa haddii Allaah yiraah” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Ururka Suxufuyiinta Qaranka ee NUSOJ uu ka mid yahay ururada bulshadda rayidka ah ee madaxa-banaan , sharciyadoodana waxa ay ku timaadaa kalsoonida iyo rabitaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed, sidaa daraateed Madaxda NUSOJ waa in ay ku dedaalaan mideynta,wadajirka iyo u istaagida danaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambenytii, Madaxweynaha ayaa ku dhiira-geliyey suxufiyiinta Soomaaliyeed howlaha shacabkood ay u hayaan islamarkaanna ugu baaqay in ay sii laba-laabaan ka shaqeynta nabadda iyo horumarka iyo qeyb-qaadshadda dib u dhiska dalkooda Hooyo.

Dhammaad

05 04 03 02 01