U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Madaxda Bankiga Dhexe Kala Hadlay Qorshaha Sameynta Lacag Shilin Soomaali Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo u kuurgalayey habsami u socodka hawlaha bankiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali, Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga, Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda bankiga kala hadley qorshaha dowladdu ku dooneyso in la sameeyo lacag shilin Soomaali ah oo wax looga qabanayo dhaqaalaha dalka, horumarinta hawlaha la xiriira maareynta maaliyadda iyo qaabeynta hay’adaha maaliyadda ee dalka ka hawlgala.

Madaxda bankiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey hawlaha bankiga ka socda, tayeynta adeegyada iyo dadaalka bankiga ugu jiro inuu si buuxda dib ugu soo nooleeyo dhammaan adeegyadii muhiimka ahaa ee uu qaranka u hayey.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Ban4 Ban3 Ban2 Ban1