U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Magacaabay Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xeer ku magacaabay guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, kadib markii la sheegay in soo jeedin ay kaga timid wasaaradda arrimaha gudaha, madaxweynaha ayaa magacaabay guddoomiye ku-xigeennada Arrimaha Maaliyadda, Amniga, Arrimaha Bulshada iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, xeerka kasoobaxay madaxweynaha ayaa u qornaa sidaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.
Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda
Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga
Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada
Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud
Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.
Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.
Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022.
Goobjoog News