U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Banaadir

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Benaadir, kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Siciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan sarreynta sharciga iyo xallinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo muddooyinkii dambe ,uujinayay cabashooyin la xiriira arrintaan.
Xeerkan Madaxweyne oo ku saleysan Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juun 1962, ayaa dhaqan galay ka dib faafinta rasmiga ah ee maanta oo ku beegan 20-ka Bisha Oktoobar 2022, waxaana magacaabistooda kusoo aadaysaa iyadoo gobolka shacabku ka muujiyaan cadaalad darro.
Goobjoog News