U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ra’iisulwasaaraha Kala Hadlay Soo Dhisidda Xukuumad Cusub

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay ra’iisulwasaarihiisa Xamsa Cabdi Barre, isagoo ka dhageystay halka ay marayso howlaha  soo dhisidda xukuumadda cusub.

Xasan Sheekh ayaa warbixinno ku aaddan sida loosoo dhisayo xukuumadda cusub ee Soomaaliya, ka dhageystay ra’iisulwasaaraha cusub ee dalka.

Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxa kulamo wadatashi ah uu la qaadanayay bulshada rayidka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa looga fadhiyaa i muddo 10 cisho ah uu ku soo magacaabo xukuumad cusub oo la wareegta talada dalka.

Goobjoog News