U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Sagootiyey Xubno La Socon Doona Dhageysiga Dacwadda Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu kulan sagootin ah la qaatey guddi korjoogto ah oo tagi doona maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ICJ halkaasi oo berry ay ka billaaban doonto dacwad badeedka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey kalsoonida ah in dacwaddan ay ku guuleysatyo Soomaaliya maadaama ay waddo sharci ah u martay dacwadda la xiriirta muranka xagga badda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri  “Waxaan xallay sagootiyay guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada, guddigaan waxay halkaasi u tagayaaan inay la socdaan dacwada u dhaxaysa dalkeena Soomaaliya iyo dalka Kenya ee ku saabsan murranka badda, waxaan ku kalsoonahay inaan dacwadaasi ku guulaysan doono inshalaah”

Dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee waxay dacwaddan u gudbisey August 28, 2014.

Maalinta beeri ah ayeey billaaban doontaa dhageysiga dacwaddan, iyadoo maxkamadda ICJ ay berri dhageysan doonto qareenada u doodaya Kenya.

04 03 02 01

Goobjoog News