U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Shacabka Ku Bogaadiyey Dib u Dhiska Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah waxa uu xariga uga jaray wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho, taasi oo dhowaan uu dib u dhisay maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha oo dadweyne faro badan kula hadlayey degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kaalinta shacabka Soomaaliyeed ee dib u dhiska dalka iyo sidoo kale sida la isaga kaashan lahaa in dalka dib loo dhiso.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in iminka dalka ay ka jiraan fursado badan oo dib u dhis ah.

“Dadweynaha gobolka Banaadir iyo dowladda oo isku tagey ayaa xaqiijiyey in maanta ay suurtagasho wadada Wadnaha oo muddo dheer aan dayactir iyo dib u habeyn aan helin la dhiso, oo laga dhigo waddo aad u qurux badan, xoog iyo xoolo Soomaaliyeedna ku timaado, waa tusaale ah inaan wax qabsan karno, dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay hambalyo, waxaan u dirayaan awoodda ay leeyihiin oo dib u dhiska dalkooda, xooggeena aan ku tashanno, dalkaan annaga ayaa is kaleh, annaga ayuu naga dunsanyahay oo sidan iyo si ka wanaagsan u dhisanno, intii kaalin ka qaadatey arrintan aad ayeey u mahadsan yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka Muqdisho ayaa ku guuleystay in dib u dhis ballaaran lagu sameeyo wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhismaha wadadan laga billaabay Isgoyska Tarabuunka, lana geeyey illaa degmada Kaaraan.

Magaalada Muqdisho ayaa kasoo kabaneysa burbur badan oo muddo jirey, iyadoo hadda uu billowday dib u dhiska magaalada Muqdisho.

Goobjoog News