U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Shacabka Soomaaliyeed u Diray Fariinta Xuska Munaasabadda 26-June

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan todobaadka xoriyadda, oo maanta dalka looga dabaal dagayey munaasabadda 26-ka June oo ku beegan 62 sano guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Waqooyi ay xoriyadooda ka qaateen dowladdii Ingiriiska, iyagoo 1-dii Luulyo la midoobay gobolladii Koonfureen oo Dowladda Taliyaaniga ka hoos baxay hrryadii gumeysigii sanadkii 1960-kii.

Madaxweyna oo fariintiisa soo marsiiyay baraha bulshada ayaan tagin munaasabaddii xalay ka dib talooyinka caafimaadka kadib markii la xaqiijiyay in kadib safarkiisii Imaaraadka laga helay caabuqa COVID-19, walow Villa Somalia baahisay in caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo istaago sidii loola tacaali lahaa xaaladaha abaaraha ee dalka ka jira, kuwaas oo saameyn u geystay dadka iyo duunyada.

No photo description available.