U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Sheegay in Laga Helay COVID-19

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka si nabad ah, kadib safar maalmo qaatay uu ku tagay dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana safarkaas uu ku saabsanaa xoojinta xiriirka labada dal oo heshiis la gaaray, kadib kulan uu la qaatay madaxweyne Maxamed Bin Zahid.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar shaqo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walalaha nahay ee Isku-tagga Imaaraadka Carabta, madaxweynaha ayaa intii dalkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatay madaxweyne Maxamed Bin Zahid oo ay kawada hadleen kor u qaadidda xiriirka Diblomasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka iyo fudeynta badeecada” ayuu yiri Afhayeenkiisa.

Madaxtooyada Cabdikariim Cali Kaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu madaxweyne Xasan si nabad ah dalka dib ugu soo laabtay, safarkiisana uu ahaa mid ay kuwada kulmeen madaxweynaha Imaaraadka, waxaana uu intaas raaciyay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, kadib markii COVID- 19 astaamihiisa laga helay ayuu yiri  afhayeen Cabdikariim.

“Waxaa kale oo jirta in madaxweynaha Jamhuuriyadda  Xasan Shiikh Maxamuud laga helay caabuqa COVID-19 maanta, kadib markii baaritaan lagu sameeyay, xaaladda caafimaad ee madaxweynaha aad ayey u wanaagsan tahay, calaamadihii COVID-kana malahan, madaxweynaha ayaana si nabad ah dalka dib ugu soo laabtay” ayuu yiri Afhayeen Cabdikariim.

Safarka madaxweyne Xasan Shiikh ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ahaa mid ku qotomay soo celinta  iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo muddooyinkii dambe xumaa, waxaana dowladda Imaaraadku ku jirtay dowladii casuumay madaxweynaha, waxaana safarkiisa qeyb ka ahaa Taliyaha hey’adda Nabad sugidda NISA mudane Mahad Maxamed Salaad.

Goobjoog News