U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Soo Dhoweeyey Bilowga Doorashooyinka Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey bilowga doorashooyinka Baarlamaanka oo maanta ka bilowday Garoowe, xarunta Dowlad Goboleedka Puntland. Dowlad Goboleeyada kalena ay ku howlan yihiin in maalmaha soo socda ay bilaabaan doorashooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo maanta ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilowdaan goobihii lagu ballamay. Madaxweynaha ayaa yiri “Hannaanka Doorashooyinka 2016 waa qorshe qaran oo dalka looga hirgelinayo doorashooyin dadban si 2020 aan u wada gaarno doorashooyin hal qof iyo hal cod ah. Bilowga doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka waxey ka dhigantahay in aan ka dhabeynay ballanqaadkii ahaa in doorashooyinka ay ku dhacayaan waqtigii loogu talo galay.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey beesha caalamka taageeradooda ku aadan doorashooyinka iyo sida ay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ugu dhiirigeliyaan dar-dargelinta doorashooyinka. Waxaana muuqata in Soomaaliya ay maanta gaartay heer horumar ah oo doorashooyinku ay ku dhacayaan sidii loogu talagalay, sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashooyinka oo ay muuqato in Soomaalidu ay si Soomaalinimo ah wax u qabsan karaan marka la taageero.

Madaxweynaha oo hadlkiisa sii wata ayaa yiri “Maanta waxaan dalka gaarsiinay in 14,025 muwaadin oo matalaya shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan 275ta xildhibaan ee Baarlamaanka, isla markaasna aan suurtogelinay in doorashooyinku ay ka qabsoomaan gobollada dalka. Dadaalkan waxuu ku yimid Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo shacabka oo si wadajir ah uga wada howlgalay sidii aan u xoojin laheyn sharciyada hay’adaha dowladda isla markaasna loo heli lahaa isla xisaabtan dhab ah iyo matalaad ka heer sareysa tii 2012kii oo ay 135 Madaxda dhaqanka ah ay noo soo xuleen xildhibaanada Baarlamaanka, halka maanta fursad loo siiyey shacabka inay door muuqda ka qaataan, soona doortaan shaqsigii ugu mudnaa ee matali lahaa deegaankaas ama beeshaas.”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashooyinka ay ugu dhici lahaayeen si wanaagsan oo shaqsi walba kaalintiisa uu uga cayaari lahaa. Madaxweynaha ayaa yiri “Sababaha aan u doorbidnay in xildhibaanka uu ku yimaado doorasho oo 51 muwaadin ay soo doortaan ayaa ah in la helo xildhibaano matali kara masiirka Qaranka, isla markaasna leh karti, aqoon iyo hufnaan si Baarlamaanka soo socda uu u noqdo mid fuliya waajibaadka loo igmaday si dalka ay doorasho toos ah oo hal qof iyo hal cod ah ay uga hirgasho. Sidaas daraadeed, ergada lagu aaminay inay soo doortaan xubnihii baarlamaanka u matali lahaa waa inay danta guud ka horumariyaan danaha gaarka ah isla markaasna ay soo doortaan shaqsiga mudan ee xilkan culus ka bixi kara, isla markaasna magaca iyo karaamada Soomaaliya kor u qaadi kara.”

DHAMAAD