U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Soo Xiray Shirka Caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb-galay xiritaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah oo maanta lagu soo gabo-gabeeyey Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb galeen culummo iyo aqoonyahan ka socday gobollada dalka iyo dalalka Caalamka.
“Waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin waa diinteenna suubban ee Islaamka. Dowladda oo gaabisay dowrkeeda ku aaddan diinta ayaa sabab u noqotay in argagixisadu ay ka faaiideystaan oo si khaldan ugu maran habaabiyaan dadka. Maanta waxaa naga go’an in aan fasiraddaas khaldan meesha ka saarno, dhaqankeenna bulsho iyo dowladnimo aan ku ilaalinno diinteenna suubban ee Islaamka.” ayuu yiri.
Dhankooda, Madaxda xarummaha cilmu-baarista shareecada, maamulka macaahidda iyo goobaha lagu barto culuumta diinta Islaamka ee dalka ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, gaar ahaan qeybta shareecada, iyagoona guddoonsiiyey billad sharaf ay ku maamuusayaan doorkiisa kobcinta waxbarashada dalka.
Munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliin Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Mukhtaar Roobow Cali, culimmo iyo aqoonyahanno ka socday dalalka Jabuuti, Suudaan, Ciraaq, Nayjeriya, Al-jeriya iyo Itoobiya.
DHAMMAAD
Goobjoog News