U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo u sharaxan xilka madaxweynaha ee doorashada 2016-ka

Sheeko:Dalka

[huge_it_slider id=”61″]

Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa ka hadlayey madal ay fadhiyeen madaxda dowladda oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Aqoonyahay iyo bulshada rayidka, ayaa sheegay in uu u sharaxan yahay doorashada 2016-ka ka dhici doonta dalka, Xasan ayaa intaa ku daray in uu la shaqeyn doono madaxweynaha kale hadii laga guuleysto.
Madaxweyne ayaa sheegay mar uu ka hadlayay lacagta dalka in Bankiga dhexe uu ka shaqeynayo diyaarinta naqshadii, tiradii iyo keydintii lacag cusub oo dalkuyeesho dhawaana waa la arki doonaa, balse waxay u baahantahay lacag 20 Malyan oo doolar ayuu intaa ku daray.
Waxa kale oo madaxweyne Xasan ka hadlay wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland waxa uuna sheegay iney marayaan meel wanaagsan oo jiraan arimo badan oo ubaahan in la isla meel dhigo , mid nimadda Soomaaliyana ay tahay mid lagama maarmaan ah.
Mar la waydiiyay Kufsiga lagu eedeeyay Ciidan-ka Amisom ayuu sheegay Xasan sheikh in dowladda la xiriirtay Amisom, baaritaana uu socdo, isla markaana aan laga tagi doonin xuquuqda qofkii dhibanaha ahaa meel cidla ah.
Madaxweynaha ayaa yiri ‘‘Ma ogolaan karno sharci daro in shadaal loo qoto, Wasaaradda Petlooka iyo Macdanta ayaa u digay shirkadaha, dowladda waa feejigan tahay, kheyraadka Soomaaliya ayaa iska lseh, waa hanta qaran ayuu Xasan ku celceliyay’’.
Dhanka kale Xiiriirka Puntland iyo dowladda federal-ka, Madaxweynaha waxaa uu shaagay in dhawaan tagi doonaan Puntland wafdi sare, isla markaana dhageysanayaan, horayna u dhageysteen cabashada ka soo yeertay dowladda Puntland.
Xasan ayaa yiri ‘‘ innagaa dacwo qabna, badeena ayey xariiqatay Kenya, shirkado ayey la heshiisay 150 kun ayey caleemeysatay , dhul ayaa Soomaaliya ka maqan, caalamka ayaan u gar dhiganaynaa, Soomaalida yaan la qaldin, dhulkeeda nidaam lagu ilaaliyo ayaanan jirin, 1960 ayaa saxiixnay Q. M, sidoo kale waxaan saxiixnay nidaaminta xeerarka badda iyo ka mid noqoshada maxkamadda aduunka, xuquuqdeena ayaan raadsanay, waan wada hadalnay Kenya, gudi ayaan u saarnay, Hor-urmar ma sameyn, sidaa datreed, sharci ayaan raacnay. Wali ma oodna albaabka is afgarad-ka, Shaarkeena ayaa nagula qabsaday, Kenya colaad nama dhextaalo, oo albaablii wada hadalka waa furan yahay, hadii aan is afganana waan dhameysaneynaa waxa na dhexyal’’.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si fiican uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin dhalinyarada, Naafada, Haweenka, Dib u heshiisiinta iyo arimo kale, Madasha ayaa ku dhamaatay si caadi ah.