U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Daahsoon+Sawirro

Sheeko:War

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo weynaynaya xuska maalinta 1-da Luulyo ee ee israacii labada gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta dalkeenna oo 62sano laga joogo ayaa maanta Ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon, oo astaan Qaranu taagan dadkii dalkaan u soo halgamay ee aan meel ama maalin gaar lagu xusin.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.
“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno”. ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo, xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan oo saamaysay dadka iyo duunyada, waxaana uu horay uga baaqay in shacabku u gurmadaan walaalahooda abaartu saamaysay ku waayey xooloodii ay ku noolaayeen.
May be an image of 3 people
May be an image of 2 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of 12 people, people standing, monument and outdoors
May be an image of 11 people, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and crowd
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
May be an image of 9 people, people standing and outdoors
May be an image of 10 people, people standing and outdoors
Goobjoog News