U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Wadahal ugu Baaqay Ahlu Sunna

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalo ugu baaqay ururka hubeysan ee heysta qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, kaasi oo dagaalo kula jira ciidamada dowladda , kana soo horjeeda maamulka cusub ee Galmudug.

Isaga oo ka hadlayay xafladda caleemo saarka madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka dhacday Cadaado ayuu madaxweynaha yiri “Ahlu Sunna doorkooda cidna ma dafiri karto. Mar walba waxay mudan yihiin in la soo dhoweeyo, wadahadalna lala furo. Si la mid ah maamullada kale ee ku meel gaarka ah ee waddanka laga dhisay oo qaarkood ay tabashooyin ka soo if-baxeen,ayaa maamulkani cusubna haddii ay tabashooyin jiraan, waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadanno sidii loo xalin lahaa, horeyna loogu socon lahaa’’.

Isbalaarinta Ahlu Sunna

Todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada Ahlu Sunna waxa ay wadday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kula wareegeyso deegaano cusub, islamarkaasina ku balaarineyso xukunkeeda.

Mar sii horeysey Ahlu Sunna waxa ay Dhuusamareeb ku dhistey maamul goboleed, iyada oo dooratay madaxweyne maamulkaasi hoggaamiya xitaa ka hor intii aanan la dooran madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu ururka sheegey in natiijada kasoo baxda shirkii Cadaado ee lagu dhisey maamulka Galmudug.

Arrinta ugu muhiimsan ee hadda hortaagan maamulka Galmudug ayaa ah in Ahlu Sunna ay heysato magaalada Dhuusamareeb oo dastuurka uu ku qoranyahay in ay tahay caasimadda.

Mar uu wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa uu la kulmey madaxda Ahlu Sunna waxa ay soo bandhigeen dalabyo ay shuruud oga dhigeen in ay aqbalaan maamulka Galmudug, kuwaasi oo wasiirka uu diidey in uu aqbalo.

Lama oga hadda in shuruudihii wali ay la taaganyihiin Ahlu Sunna iyo in laga aqbali doono.

Goobjoog News