U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Weli Safarro Ku Maraya Gobollada ay Ka Socdaan Howlagallada Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu safarro ku kala bixinayaa furimaha dagaalka gobollada dalka, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka, iyagoo deegaanno dhowr ah ka saaray Al-shabaab.

Safarkiisii koowaad uu ugu kuurhalayo xaaladda deegaannada ay howlgallada ka socdaan iyo ciidanka kale duwan ayaa ka degay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen xildhibaanno, wasiirro heer federal iyo heer gobol ah iyo qeybaha kala duwan  ee Bulshada, isaga oo khudbad u jeediyay dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Maxaas ay tahay degmo u baahan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah, isaga oo intaas raaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga hergelin doono adeegyada dowliga ah iyo garoon diyaaradeed, degama ayaa waxaa ay tahay markii ugu horeysay uu booqday madaxweyne Soomaaliyeed tan iyo 1960-kii.

Xasan Shiikh ayaa Maxaas kaga dhawaaq mar kale sida ay kaga go’an tahay dagaalka Al-shabaab “Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” ayuu yiri xilli uu hadlayay.

Madaxweynaha ayaa safarkiisii xigay waxaa uu ku tagay magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhoweeyay, ciidanka deegaanka oo u badan culimo ayaa kusoo dhoweeyay Digri Salaan loo qaaday, waxaana uu xusay in Baxdo tusaale u tahay halka shacabka ay kaga soo horjeedaan xogagga Al-shabaab.

Shacabka magaalada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayuu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan sidii Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan Yihiin Al-shabaab, sida Ceelbuur, Xiindheere, Jacar, Bargaan iyo degmada Xaradheere oo ka tirsan, madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay magaalada Baxdo ayaa yiri.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay soo dhoweynta loo sameeyay.

Madaxweynaha ayaa safarkiisii booqashada furimaha dagaalka shalay ee gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug  waxaa uu kusoo gabagabeeyay magaalada Wisil ee bariga gobolka Mudug, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay qaar kamid ah ciidanka Daraawiishta Galmudug , kuwa deegaanka iyo bulshada qeybaheeda kale duwan ee Wisil.

“Awoodda halkaan ka muuqata oo na hortaalla iyo midda gadaasheenna taaganba, magaaladaan Wisil muhiimad gaar ah ayey leedahay calaamadda ugu horeysa waa Xaradheere iyo inta ka sokayso ee Raafka  la sii mariyo, waxaa intaas dheer aniga kan madaxweyne ahaan, dowladda ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo isku jira iyo midda Galmudug, waxaa ay heli karaan oo ay soo haaban karaan ay haabtaan dowladduna wax idin ka hagran mayso” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo la filayo inuu xarigga ka jaro madaxtooyada Galmudug, waxaa lagu wadaa in sidoo kale uu safarkiisa kusoo gaaro magaalada Baladweyne iyo qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda.

Goobjoog News