U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheeh Oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis Ku Xirneyd Xabsiga Dhexe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabbad Ciidul Fidriga awgeed cafis u fidiyey 79 maxaabiis oo dembiyo kala duwan ugu xirnaa xabsiyada dowladda.

Maxaabiistan la cafiyey ayaa xukunnadooda waxay u dhexeysey 3 bilood ilaa shan sanno, waxaana Madaxweynaha uu cafiskooda u cuskadey Qodobka Qodobka 87-aad, Faqradda 1-aad, xarfaha (a) iyo (c) iyo Faqradda 2-aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 90-aad xarafka (p) ee Dastuurka KMG ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo qodobka 149-aad, Faqradda 2-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Go’aanka cafiska maxaabiistan ayaa dhaqangaley shaley oo taariikhdu ahayd 16 July, 2015, markii uu Madaxweynaha qalinka ku duugay wareegtada cafiska.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya