U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Al-shabaab Awood Milatari Oo Kaliya Uma Adeegsaneyno”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu aysan xal Milateri oo keliya ku raadineyn dhibaatada Xarakada Al-shabaab, laakiin sidoo kale ay dowladu dooneyso iney ku wajahdo Al-shabaab xal nabadeed si buu yiri looga gudbo caqabadaha ragaadiyey dowladnimada Soomaaliya in ka badan 20 sano.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay tahay hubaal in dagaalka Al-shabaab aan lagu dhameyn karin oo keliya qori caaradiis markastana loo baahanyahay dib u heshiisiin, isaga oo intaasi ku daray in horey loo heley natiijooyin iyadoo tiro madax ka tirsan Al-shabaab ay dowladda la heshiiyeen iyagoo fikirkii horena ka tanaasulay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya shir ka socda isutaga imaaraadka ayaa sheegay in hadda dalku uu isbedello waaweyn sameynayo islamarkaana xaaladda ammaan ay tahay mid aad u wanaagsan .

Xarakada Al-shabaab ayaa laga saaray qeybo badan oo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya laakiin waxay weli awood u leeyihiin iney ku qaadaan weeraro qasaare leh dowladda Soomaaliya iyagoo weeraro badan ka geystay magaalada Muqdisho.

Bishii sebtember Xarakada Al-shabaab waxay sheegtay iney gebi ahaanba la wareegtay saldhig nabad illaaliyaashu ku leeyihiin magaallo ku taala koofurta Soomaaliya oo lagu magacaabo Jannaale kana tirsan gobalka Shabellaha Hoose, iyagoo sida ay sheegeen halkaas ku dilay ciidamo badan.

Hawlgalka Amisom ee midowga Africa ayaa gacan siiya dowladda Soomaaliyeed ee taageerada caalamka haysata, waxaaana hawlgalka AMISOM ee nabad illaalinta uu bilawday sanadkii 2007-dii iyadoo Soomaaliya ay joogaan in ka badan 20-kun oo Askari.

Goobjoog News