U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Shabaab Waqtigiisa Wuu Dhamaaday Mana Soo Noqonayo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shacab badan kula hadlay degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa sheegay in xilligaan uu dhamaaday Waqtiga Xarakada Al-shabaab, isaga oo tilmaamay in hadda la gaaray waqtigii ay dowladda la wareegi lahayd meel walba oo dalka uga hareen Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in degmada Diinsoor ay ka mid ahayd meelaha Xarakada Al-shabaab ay weerarada kasoo abaabuli jireen, qaraxyada Xamar ka dhacayna qaarkood degmadaasi laga soo abaabulay.

“Al-shabaab waqtigiisa wuu dhamaaday, mana soo noqon doono, mana soo noqon karaayo, waxaan Allah ka sokoow uga mahad celinaynaa arrintaasi ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, oo runtii halkaan howsha ay ka qabteen iyo sida ay Shabaab Xarun ugu ahayd, Dalka intiisa badan ayeey ka hagi jireen, xitaa qaraxyada Xamar ka dhacaayay inta ayaa laga soo abaabuli jiray qaarkood, marka ma sahlaneen in Al-shabaab halkaan laga saaro, iyagana guul darro aan la qiyaasi karin ayaa soo gaartay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Diinsoor in ay u istaagaan la shaqeynta dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa baaq u diray beesha caalamka, kaasi oo ah in kaalmo degdeg ah ay la gaaraan shacabka ku dhaqan degmada Diinsoor oo muddo badan dhibaato nololeed ku jiray.

Goobjoog News