U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Cabdi Xaaji Goobdoon Waxa Uu Ahaa Howlkar”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon oo ahaa La Taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dhanka arrimaha warfaafinta.

“Inna Lillahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto marxuumka. Waxaa uu naftiisa iyo waqtigiisa u huray inuu u shaqeeyo ummaddiisa ilaa ay geerida uga timaaddo. Waxaa uu ahaa hawlkar waddankiisa wax badan u qabtey, taariikduna ay xusi doonto. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon, oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaa uu aha rug caddaa dhinaca saxaafadda, isagoo mar noqday afhayeenkii madaxtooyada Soomaaliya, Agaasimihii Guud ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada, Isboortiga iyo Arrimaha Bulshada, iyo isagoo weliba ka mid ahaa dhalinyaradii lagu aasaasey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Ruushka.

Allaha u naxariistee marxuumka waxaa uu waqtiyadan dambe ku hawlanaa dib u soo nooleynta iyo tayeynta saxaafadda Soomaaliya, iyo isagoo xubin ka ahaa Akademiyadda Dhaqanka Soomaaliya iyo Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.

——- DHAMMAAD——

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada