U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka Si Buuxda Ayey u Garab Taagan Tahay Puntland Dagaalka Ay Kula Jirto Al Shabaab”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ay Al Shabaab ka waddo degaannada dowlad goboleedka Puntland uu qeyb ka yahay barnaamijka ururkaasi ugu jiro waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al Shabaab isku dayeyso inay qalalaasyo ka dhaliso Puntland kaasi aanay ka duwaneyn waxa ay ka wadaan qeybaha kale ee dalka.

“Al Shabaab waa koox naf la caari ah oo dooneysa inay goobo cusub oo ay ku dhuumaleysato ka sameysato degaanka Puntland, tallaabadaasina waa mid ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si weyn uga soo horjeeddo, sidaa darteedna waxaan garab taaganahay shacabka iyo maamulka degaankaasi, dagaalka ay kula jiraan kooxdan argagixisada ah. Dowladda dhexe iyo maamulka Puntland si dhow ayay uga wada shaqeynayaan sidii kooxdaasi aan marnaba loogu oggolaan inay carqaladeeyaan nabadda muddada dheer ka jirtay degaannadaasi’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shacabka degaannnada Puntland sida ay ugu midoobeen dagaalka looga soo horjeedo cadowga ummadda Soomaaliyeed, oo uu sheegay in laga adkaan doono.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha sheegay xusay in dagaalka kooxda Al Shabaab looga soo horjeedo ee dalka intiisa kale ka socda uu weli halkiisii ka sii socon doono ilamaa laga gaaro hadafka laga leeyahay ee ah in kooxdaasi gebi ahaanba dalka laga tirtiro.

“Guud ahaan qorshaha dowladda waxaa uu yahay in Al Shabaab oo khatar ku ah nabadgelyada dalka, tan gobolka iyo midda caalamka, gebi ahaanba laga ciribtiro Soomaaliya, dhowaan ayaana rajeynayaa in qorshahaasi uu inoo hirgalo Insha Allah’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in isku dayga Al Shabaab ku dooneysao inay goobo cusub colaado kaga abuurto ay digniin u tahay shacabka Soomaaliyeed, lana doonayo in shacabku ogaado in kooxdani aysan ku koobneyn dhul iyo degaan gaar ah, ujeedkoduna uu yahay inay la diriraan ilbaxnimada, kana been sheegaan diinteena Islaamka ee xaniifka ah.

——————DHAMMAAD—-————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya