U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “IGAD Waxay Marti u Tahay Dadka iyo Qaranka Soomaaliyeed” (Dhageyso)

Sheeko:War

Xasan SheekhMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa fariin dhinacyo badan taabanaysay waxa uu u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Fariintaan ayaa ku aadaneyd shirka wasiiradda Arimaha dibadda IGAD ee maalintaa berri ah ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta martida wasiirada ah iyo xubnaha la socda ee caawa ku hoyana magaalada Muqdisho.

Waxa uu madaxweynaha sidoo kale tilmaamay in shirkaan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leeyahay umadda Soomaaliyeed, shacabkana laga rabo in aay dul qaataan mudada kooban ee Wafuudaan ku sugan tahay magaalada  Muqdisho, loona dul qaato culeysyada imaanayo sida wadooyinka qaar in la xiro iyo sidoo kale in dadka meelaha qaar ay culeys ku noqoto in ay ku socdaan.

Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale sheegay in IGAD ay marti u tahay shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed ee aanay cid gaar ah marti u ahayn, sidaa darteedna shacabka looga baahan yahay in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan rabitaanka dowladnimo, lana ilaaliyo nidaamka iyo sharafta dalkeena iyo dadkeena.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Hadalka Madaxweynaha.

Goobjoog News