U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, taaas oo kamid ah furimaha dagaalka ka dhanka ah ee ururka Alshabaab.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ciidamada iyo dadka deegaanka ah uu ku bogaadinayo dagaalka Al-shabaab looga saarayo dalka.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay gaarsiin doonto adeegga dowladnimada deegaanada laga xoreeyay argagixisada.
Goobjoog News