Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Taageerada Iyo Daryeelka Ciidammada Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, oo uu kala hadlayey daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay wakiilladaasi caalamiga ah doorka ay ka qaadanayaan taageerada ciidammada Soomaaliya iyo dib u dhiskooda, isagoo sheegay in taageeradaasi ay muhiim u tahay in ciidammada qaranka ay si dhib la’aan ah mustaqbalka dhow ugala wareegaan AMISOM sugidda amniga waddanka.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Michael Keating, Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta, Maxamed Al Cusmaan, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D’ Urso, Danjiraha Britain, Harriet Mathews, iyo Danjiraha Turkiga, Olgan Bekar, oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa dowladda Soomaaliga ku bogaadiyey dadaalka iyo hoggaanka hufan ee ku aaddan barnaamijka nabadgelyada qaranka iyo dib u dhiska dalka.

Wakiillada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska ciidammada qaranka.
Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca amniga ee dalka ka jira iyo xoojinta hawlgallada lagu cirib-tirayo kooxaha nabad-diidka.

——————-DHAMMAAD———–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

005 0004 004 003 002 001

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW