U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Masar oo qadka Taleefanka ku wada hadlay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa taleefoon ka wacay dhigiisa dalka Masar Cabdifataax Sisi sida uu sheegey afhayeen u hadlay madaxweynaha Masar.

Afayeenka madaxweynaha Masar Alaa Yuusuf ayaa sheegey in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo horumarinta dalkani ku yaala geeska Afrika ee kasoo kabanaya sanooyin badan oo burbur ah.

Madaxweyne Sisi ayaa madaxweynaha Soomaaliya u xaqiijiyey taageerada uu u hayo hawlaha sugista amniga iyo xasiloonida.

Xiriikani dhexmaray labada madaxweyne ayaa waxaa xigey dowladda Masar oo kulan la yeeshey jaamacadda Carabta kalana hadlay sidii diiradda loogu soo duwi lahaa arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada Masar ayaa dalalka Carabta ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaalida.

Wasiirka arrimaha dibada ee Masar wuxuu sheegay In qilaafkani uu yeelan karo saameyn aan wanaagsaneyn islamarkaana uu dib u dhigi karo geedi socodkii la doonayey in dib loogu dhiso Somalia dib u heshiisiintii qaran iyo in la qabto doorasho sanadka 2016ka.
Wasiirka arrimaha dibada ee Masar wuxuu shegay in dowlada Masar ay aad u daneyneyso la socoshada xaalada Somalia wuxuu intaas ku daray in labada dal ay leeyihiin xiriir taariiqi ah
Wasiirku wuxuu sheegay in ay tahay in Somalia laga caawiyo sidii ay u heli lahayd ammaan iyo degenaansho, Wasiirka arrimaha dibada ee dowlada Masar ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo kullan wasiireed looga hadlayo arrimaha Somalia 19-20 bishan November kaasoo ka dhici doona magaalada Copenhagen si loo taageero da,daalada la doonayo in sanadka 2016ka ay soomaaliya ka dhacdo doorasho.

Goobjoog News